Somaliland ayaa dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hayโadda Hawada ee Sooomaaliya ku eedaysay dowlada Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dilka ay uga shakisanyihiin Hayโadda NISA iyo Hayโadda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xataa ay usoo hanjabaan shaqaalaha ka hawlgala Hayโadda Duulimaadyada Somaliland.
Waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso kiiska Dahable, isaga oo sheegay in anay Somaliland ka hordhacayn baadhitaanka Booliiska Soomaaliya uu wado.
Wasiirku waxa uu sheegay in uu Alle qoray in Dahable uu dhinto, isla markaana kaana waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in anay siyaasadayn dilkiisa, isla markaana maydkiisa ay Hargaysa usoo dirto.
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay 6 qof usoo xidheen dilka Dahable, isla markaana ay wadaan baadhis.