โMudada 6 da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku tagrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyoโ ayuu yidhi Cumar Sayid.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay xataa duulimaadyadii rayidka ahaa, waxaanu sheegay in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawada Somaliland, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.