Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay socdaalka la filayo in uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tago magaalada Laascaanood, oo hadda uu gacanta ku hayo maamulka SSC-Khaatumo.
Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Somaliland kadib muddo fasax ah ayaa saaka si rasmi ah u furmay, iyadoo ay isla markiiba kulankaasi hadheeyeen hadal-heynta socdaalka Raysal Wasaaraha. Xildhibaanada ayaa ku adkaystay in Laascaanood ay weli tahay qayb ka mid ah Somaliland, ayna tahay arrin aan la aqbali karin in masโuul ka tirsan dowladda federaalka uu halkaas booqdo.
โJamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya waa laba dal oo kala madax-bannaan. Maxaa naga dhexeeya? Waxba nagama dhexeeyaan. Dalkayaga waanu difaacanaynaa, golahayaguna arrintan wuu ka shirayaa,โ ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil, oo la hadlay warbaahinta.
Xildhibaano kale oo hadlay ayaa iyaguna ku tilmaamay socdaalka Raysal Wasaaraha mid xadgudub ku ah madax-bannaanida Somaliland, ayna tahay tallaabo keeni karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni.
Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ee hadda ka arrimiya magaalada Laascaanood ayaa si diiran u soo dhaweeyay booqashada Raysal Wasaaraha, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa taageerada dowladda federaalka ee deegaannadooda. Waxay sidoo kale ay sheegeen in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay hoos tagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isaguna sheegay in socdaalka Raysal Wasaaraha uu yahay mid muhiim u ah midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.
Somaliland ayaa lumisay gacan ku haynta magaalada Laascaanood sanadkii 2023, kadib markii kacdoon ballaadhan oo ka dhashay deegaanka uu horseeday in ay dadku diidaan maamulkii Somaliland, kuna dhawaaqaan maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.