Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warbixin ay Al Jazeera ku sheegtay in qaabilaadda dadka reer Qasa ay Somaliland ku beddelanayso aqoonsi ay ka hesho Maraykanka iyo Israaโiil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa naqdiyay habka ay Al Jazeera u turjumtay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Israaโiil ee KAN, oo wax lagaga weydiiyay qorshaha Trump ee barakicinta dadka reer Qasa.
Qaabka ay Al Jazeera u turjumtay hadalkiisa ayuu ku tilmaamay mid aan sax ahayn. โBuunbuuninta dhawaan ay Al Jazeera samaysay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxay si khaldan u turjuntay mowqifka cad ee joogtada ah ee Somaliland ku wajahdo arrimaha diblomaasiyadda,โ ayuu sii raaciyay.
Warbixinta Al Jazeera, oo inta badan dadka reer Somaliland ee isticmaala barta X (Twitter) ay sheegeen in ay turjumaad qaldan saartay wareysiga wasiirka, ayaa buuq ka dhalisay baraha bulshada. Dad badan oo caan ka ah barta X ayaa wasiirka ugu baaqay in uu iska fogeeyo turjumaadda Al Jazeera.
Wareysiga uu wasiirku siiyay KAN, oo ay turjuntay The Jerusalem Post, ayuu ku sheegay in ayn jirin cid arrimaha Qasa kala hadashay Somaliland, sidaas darteedna aanu doonayn in uu ka hadlo wax aan jirin.