SoDMA oo Gargaar gaarsiisay deegaanada SSC Khaatumo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee  (SoDMA) oo dadaal xooggan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee ku dhifatay dalka, ayaa gargaar ban’aadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deeqdaan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugl ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka maanta gaaray magaalada Laasacaanood.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed