SODMA oo gargaar bani aadamnimo u dirtay Jubbaland.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa gargaar bani aadamnimo oo gaaraya 4,000 oo tan maanta u dirtay Dowlad-Goboleedka Jubbaland si loo gaarsiiyo qoysaska u baahan in la gacan-qabto.

Dekedda Muqdisho ayaa laga ambabixiyay doon lagu raray kaalmadaan waxaana uu ku xiran doontaa Marsada Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo laga sii daabuli doonno.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac & Agaasimaha waaxda gargaarka Sodma Sahra Cali Yuusuf ayaa sii ambabixiyay kaalmadaan.

Gargaarkaan oo u badan Qamadi iyo Timir waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay Dowladaha Ruushka & Sacuudiga si loogu caawiyo qoysaska dantayar ee aanay awoodin helitaanka cunnada ay u baahan yihiin.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa sidaan oo kale waxa ay horay Gargaar bani aadamnimo u gaarsiisay Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaana loo qaybiyay qoysaska dhibaataysan ee xaaladaha ka dhashay El-nino Saamaynta taban ku reebtay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed