Shirkii madasha wadatashiga Qaranka oo furmay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shkh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu  xaqiijiyay in shirka maanta furmay looga arrinsanayo Dhammeystirka Dastuurka, Dib u dhiska ciidanka iyo dagaalka AS.

“Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed rasmi ah oo lagu muujin doono waxyaabaha lagu heshiiyay iyo jiheynta Doorashada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed