Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaliya oo wajahay cilad dhanka internet-ka.

Xariga Internet-ka PEACE Cable (Pakistan and East Africa Connecting Europe) ayaa go’ay 4-tii Maarso 2025, waxaana cillad la soo deristay xadhigga badda hoostiisa mara ee xambaara internet-ka. Go’itaankan ayaa saameyn weyn ku yeeshay dalalka Masar, Pakistan, Kenya, iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo internetka iyo adeegyada dijitaalka ah ay hoos u dhaceen.
Shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya qaarkood, oo adeegsigooda ku tiirsanaa xarigan, ayaa la kulmay cilado ba’an, taasoo sababtay in adeegyada ay u kireeyeen shirkado kale.
Qaar ka mid ah shirkadahan ayaa isku dayaya inay adeegsadaan xarumo kale si ay u yareeyaan saameynta, balse dib u hagaajinta xadhigan ayaa la filayaa inay qaadato bilooyin, taasoo walaac ka dhalisay amniga iyo isku halaynta kaabayaasha internetka ee gobolka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed