Mesfin Tasew, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda Ethiopian Airlines, oo war ka soo saaray diyaarad laga soo celiyay Hargeysa ayaa yiri โDiyaarad ku socotay Hargeysa waxay noqotay inay dib u soo laabato markii la ogaaday in aysan ogolaansho ka haysan Soomaaliyaโ.
Dhacdadan ayaa dhacday sida lagu xaqiijiyay website-ka dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24.
Sida ku cad xogta Flightradar, Duulimaadka Ethiopian Airlines ET372, oo ahaa duulimaad caadi ah, ayaa si nabad ah ku tagay Hargeysa 11:00 subaxnimo.
Taas bedelkeeda, diyaaradda de Havilland-400, oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET8372, taas oo kasoo kacday Addis Ababa 8:30 subaxnimo, ayaa dib ugu laabatay garoonka Bole ee Addis Abeba 10:30 subaxnimo, kadib dowladda Soomaaliya ay diiday inay ka degto Hargeysa.
Hayโadda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Diyaaradda Ethiopian Airlines Duulimaadkeeda ET8372 aan fasax loo siin inay ku degto Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daaโuud Aweisa, ayaa BBC-da u sheegay in diyaarad siday saraakiil sarsare oo ka tirsan Itoobiya loo diiday inay gasho Hargeysa.