Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka furmay

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka furmay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), waxaana shirka furay madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ah wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka qayb-galayaasha ku soo dhaweeyay shirweynahan  oo saddexdii biloodba mar qabsooma.

Maxamuud Macallin ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah.

“Waxaan ka wada-hadli doonnaa xaaladda hadda jirta ee ku aaddan dhibaatada bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaladda La Nina iyo saameynta taban ee la filaayo inay ku yeelato dalkeenna sanadka foodda nagu soo haya ee 2025. Hadafkeenna ayaa ah mideynta dadaalkeena si aan si fir fircoon ugu taageerno dadka ay dhibaata abaartu saameyn karto. Waxaan diiradda saari doonnaa baahiyaha iyo jawaabaha bani’aadannimo ee 2025 (HNRP)” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed