Shir looga hadlay xiisada Itoobiya iyo Soomaliya oo ka furmaya Kampal

Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn, kaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD, waxaana shirkan looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa shalay galinkii danbe gaaray magaalada Kampala.

“Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay IGAD 13-kii bishan ku xaqiijisay inaysan ka qeybgaleyn shirkan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in madaxda ururkaasi ay iskugu yimaadaan shirkan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed