Shil gaari oo ay ku geeriyoodeen Hooyo iyo wiilkeeda oo ka dhacay Garowe

Shil gaari oo khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe ayaa sababay dhimashada hooyo iyo wiil ay dhashay, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Market ah iyo Mooto Bajaaj. Shilka ayaa sababay in gabi ahaanba ay burburto Mootada Bajaajta oo ay la socdeen Hooyada iyo wiilkeeda.

Ciidamada Taraafikada Puntland oo goobta soo gaaray wax yar ka dib markuu shilku dhacay ayaa xiray darawalkii waday gaariga Market-ka, kaasoo aan wax dhibaato ah kasoo  gaarin shilka.

Ciidamada ayaa hadda baaraya in darawalka gaariga Marketka uu leeyahay masuuliyadda shilka iyo in kale.

Darawalkii Mootada Bajaajta iyo qof kale oo la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana lagu daweynayaa isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Kororka shilalka gaadiidka ee guud ahaan Puntland ayaa ah walaac isa soo taraya.

Gobolka Nugaal oo ay ku taallo magaalada Garoowe ayaa sanadkan waxaa ka dhacay shilalka gaadiidka ee ugu badan. Sida ay sheegtay Hay’adda Nabadgelyada Wadooyinka Puntland, ku dhawaad 50 qof ayaa ku naf waayay shilalka gaadiidka ee gobolka Nugaal oo kaliya sanadkan.

Sare u kaca shilalka ayaa lagu macneeyay in ay sabab u tahay xaalada wadooyinka iyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee darawalada qaar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed