Shiinaha oo digniin u diray Taiwan iyo Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay heshiis cusub oo dhexmaray Somaliland iyo Taiwan 24-kii bishaan Luulyo 2025, kaasoo lagu saxiixay magaalada Taipei. 

Heshiiskaasi oo la xiriira iskaashi amni oo dhinaca xeebaha ah, ayuu Shiinuhu ku tilmaamay mid ka hor imaanaya mabda’a hal dowlad oo Shiinaha ah isla markaana wax u dhimaya madax-bannaanida dhuleed ee dalkaasi.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Taiwan ay weli tahay qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha, isla markaana dowladda Shiinaha kaliya ay metesho guud ahaan Shiinaha.  

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu ugu baaqay Somaliland inay joojiso xiriirka rasmiga ah ee ay la leedahay Taiwan, isagoo sheegay in Somaliland ay weli ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya. 

Heshiiska cusub ayaa lagu horumarin doonaa ammaanka xeebaha Somaliland, iyadoo la qaban doono tababaro, iyo iskaashi kalluumaysi taas oo labada dhinac uga gol leeyihiin inay kobciyaan dhaqaalaha badda. 

Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah, isla markaasna aan laga jari karin dhulkiisa. 

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed