Sheekh Shariif oo si adag u dhaliilay hanaanka looga hortagayo damaca Itoobiya

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaliilay hanaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga hortageyso damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka digay waxuu ugu yeeray abaabul qabyaaladeysan oo hareeyay maalamahii dambe baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, isagoona ugu baaqay madaxda dowladda iney wax ku eegaan indho qaran, kana fogaadaan wax walba oo kala dhantaalaya awoodda dadka iyo dalka.

Madaxweynahii hore ee dalka ayaa xusay in wadada kaliya ee dalka lagu difaaci karo ay tahay isku duubni iyo wadajir si looga hortago fal kasta oo dhaawici kara qaranimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed