Shariif Sheikh oo dhaliilay qaab dhismeedka ciidamada xooga dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku fashilantay dagaalka Alshabaab.  Waxa uu sabab uga dhigay in la marin hababiyay hannaanka loola diririyo Alshabaab.

Shariif Sheikh Axmed oo shir jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay, ayaa sheegay in aysan jirin hal guuto oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo u diyaarsan inay la dagaalaamaan kooxda Alshabaab.

“Hannaanka loola diririyo Shabaab hadduu saxan yahay, maxaa ciidamadu usoo jabeen? Mise mala socotaan, ciidanka Milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin. Ciidanka sida loo maamulay way qaldan tahay, waana sheegaynaa, Shabaabna waan kasoo horjeednaa,” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif.

Wuxuu sheegay musuq maasuqa iyo boobka hantida inay marayaan heerkii ugu xumaa, isagoo sheegay in aanay wax shaqo ah ka soconin xafiisyada dowladda.

Shariif wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyay inay kor u qaadeen ku dhaqanka qabyaalada. Wuxuu sheegay shaqada dowladda inay cuuryaamiyeen shaqaale aan karti lahayn oo lagu shaqaaleysiiyay qabyaalad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed