Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin sameeyey iyagoo shirkadda garoonka maamusha ee Favori ku eedeeyey mushahar goosasho aan sharci ahayn iyo xad-gudubyo kale.
Dibad-baxayaasha oo isugu yimid afaafta hore ee garoonka ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah socon iyagoo sheegay in cabashadooda ay soo laalaabatay marar badan, balse ay ka xun yihiin in Dowladda Soomaaliya aysan illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin.
Dhanka kalena, shaqaalaha ayaa ku eedeeyey Mas’uuliyiinta garoonka ee dowladda Soomaaliya inay fursad siiyeen ajaaniibta garoonka maamusha oo si gabbasho la’aan ah u duudsiyey xuquuqdii ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Cabashooyinka shaqo ee ka imaanaya shaqaalaha Soomaalida garoonka Aadan Cadde ayaa marar badan soo laalaabtay iyadoo madaxda shirkadda Favori ee garoonka gacanta ku haysa awood u leeyihiin shaqo ka cayrinta iyo dhammaan xuquuqaha muwaadiniinta Soomaalida.

