shacabka Somaliland oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta

Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururada.

Xilka madaxweynaha waxaa ku tartamaya saddex musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haye Muuse Biixi Cabdi kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo u sharaxn Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga Ucid.

Saddexda Xisbi ee u tartamaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur oo kale ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan saddex Xisbi oo bud-dhig u noqda Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa xilka hayay toddobo sano, iyadoo ay ahayd in doorashadu dhacdo sanadkii 2022-kii hase-yeeshee taa ma dhicin oo laba sano ayuu ku darsaday, taasoo dhalisay muran iyo is qab-qabsi.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed