Shacabka Muqdisho oo taageeray hishiiskii DFS iyo Turkiga

Waxaa Maanta oo Sabti ah garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisoow ee magaalada Muqdisho ka dhacaya banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan dowlada Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.

Banaanbaxaan ayaa waxaa iclaamiyay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo khudbado ka jeediyay .

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiraya wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa lagu taageerayo heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa si wadajir ah u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale saxiixay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed