Shacabka degmada Xuddur oo wajahaya xaalad adag.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminaayo qeybna ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday Hay’addaha Gargaarka sida IOM, WFP, UNHC, OCHA iyo UNICEF ayaa maanta gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa kormeer ku tageen xarumaha ay degganyihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo khawaarijta ka soo barakicisay degmooyinka Tiyeeklow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuurgalay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kaamamkaan, iyagoo mid mid u xogwareeystay dadka, waxaana ay goob fagaaro ah gargaar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys.
Ugu danbeyn guddoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo dhexmaray SoDMA, Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Bakool iyo hay’adaha Gargaarka waxaana looga hadlay sidii garagar deg-deg ah oo ballaaran loo gaarsiin la ahaa shacabka ku tabaalaysan gudaha Xudur, degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed