Sayid Cali Macallin Daauud oo markii 2aad dil lagu xukumay

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah go’aan ka gaartay kiiska Sayid Cali Macallin Daauud oo racfaan kasoo qaatay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku ridday ayay markale Maxkamaddu raacday go’aankaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Maxkamaddu ay u daliilsatay caddaymo isugu jiray Marqaatiyaal, Dhaqaatiir iyo muuqaallo laga duubay guriga gubtay & Marxuumadda.

Maxkamadda ayaa ka digtay falcelin laga sameeyo xukunka Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay ka gaartay Kiiska Sayid Cali Macallin Daauud ee ah in uu gubay Gurigiisa kuna geeriyootay Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo dhaawac kasoo gaaray.

Saciid Cali Maxamed, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maxkamaddu ay dib ugu noqotay dukumiintiyada ku jira Maxkamadda, Caddaymaha iyo marqaatiyaasha la horgeeyay ee ka maraq-furay kiiskaan.

Qareennada Difaacaya Sayid Cali ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo ay ku raacday xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka gaartay kiiskaan xeerarka kala duwan maray.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed