Sayid Cali Macalin Daa’uud oo markii sadexaad dil toogasho ah lagu xumay

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta oo Arbaco ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwada dilka loo haystay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu dilay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Uur laheyd.

Maxkamadda sare ayaa maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud, kadib markii qareenada Sayid Cali ay racfaan kasoo qaateen xukun dil ah oo ay horay maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka ugu soo rideen Sayid Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Axmed Yuusuf ayaa fadhiga maanta ka hor sheegay in Sayid Cali Macalin Daa’uud lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay cadeyntiisa, islamarkaana uu si kas ah u dilay Xaaskiisii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Guddoomiye Baashe Axmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay in Maxkamadda sare ku raacday xukunadii dilka ahaa ee horey ugu soo rideen Sayid Cali Macalin Daa’uud Maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka.

Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay ehelada marxuumad Luul Cabdicasiis, kuwaas oo sheegay in mudo sagaal bilood ah ay sugayeen xukunkaan maanta lagu riday Sayid Cali, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo fuliyo xukunka dilka ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed