Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo deegaanka Suuftu oo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Kenya uga socda Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidanka Itoobiya.
Sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaw kulamada waxaa goobjoog ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, Maamulka Degmada Doolow iyo Saraakiisha ciidanka Itoobiya.
Kulamada ayaa waxaa looga hadlaya dhaqdhaaqyada ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaan gobolka Gedo ee lagu xaqiijinayo Amniga guud.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa wada abaabul ciidan oo mar kale ay dib ugu laabanayaan magaalada Beledxaawo oo toddobaad ka hor dagaal looga saaray, isla markaasna ay hadda ka taliyaan ciidanka Dowladda Federaalka.
Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ayaa hore u sheegay in ciidanka Itoobiya ku hanjabeen in ay soo weerari doonaan magaalada Beledxaawo, tillaabadaasina aaan la aqbali doonin.
Ciidanka Itoobiya ayaa hadda ku sugan magaalada Doolow iyo deegaannada xuduudka ku yaalla, waxaana ay taageeraan askarta Jubbaland oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

