Sanatar Maryan oo si adag uga hadashay Canshuurta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ay qaadeyso

Sanatar Maryan Faarax Kaahiye oo ka mid ah Sanatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid Canshuurta Iibka ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya in dhawaan la billaabi doona qaadisteeda.

Canshuurta Iibka oo ah mid laga qaadaya dadka wax iibsada taas oo la micnaha ah in qofkasta laga qaadayo canshuur cadadkeedu uu gaaraya 5%, taas oo durba diidmo badan ay ka keeneen qaar ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka.

Qoraal ay soo dhigtay Sanatar Maryan Barteeda Facebook ayey ku tiri, “Waxaan aad iyo aad ugu xumahay in Shacab aan haysan Caafimaad, Waxbarasho iyo cunta maanta lagu soo rogo CANSHUUR sharci darro ah oo aan aaminsanahay in dad gaar ah lagu naas-nuujinayo.”

Sanatar Maryan ayaa go’aankaan ku sifeysay in uusan astaan fiican u ahayn dowladnimada, “Waxaa ceeb iyo sharaf dhac ku ah Dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda in ay isu beddasho DHIIG MIIRATO-waa taariikh mugdi ah iyo dhaqan aan Soomaalida iyo Dowladnimada astaan fiican u ahayn.”

Dhanka kale Sanatar Maryan ayaa madaxda ugu baaqday in ay joojiyaan Canshuurtaan, iyada oo tiri, “Anigoo mar walba eegaya baahida iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed waxaan Madaxda sare ee Qaranka ugu baaqayaa in ay joojiyaan Canshuurta Dulmiga ah ee shacabka dhibban lagu soo rogey. Gaar ahaan waxaan baaq halkan ugu soo gudbinayaa Guddiga Maaliyadda ee labada Gole in ay si degdeg ah arrinkaan u soo farageliyaan,si loo bedbaadsho Shacabkeena dulman.”

Ugu dambeyn qoraalka Sanator Maryan waxa ay ku soo gabagabeysay fariin ay u dirtay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, “Waxaan Xildhibaanada sharafta leh ku boorrinayaa in aynu u midowno soo afjaridda Canshuurta Dulmiga qaawan ah maaddaama aynu nahay Hay’addii Sharci Dejinta,” sida ay tiri Sanatar Maryan Faarax Kaahiye oo ka mid ah Sanatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan ka soo yeeray Sanatar Maryan Faarax Kaahiye ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu shaaciyey in dhawaan dowladda Soomaaliya ay qaadi doonta Canshuurta Iibka, taas oo hadal heyn badan ka dhex dhalisay bulshada dhexdeeda.

Go’aanka ka soo baxay dowladda ayaan la ogeyn deegaannada uu ka dhaqan gali doona iyo mid ku kooban gobolka Banaadir, balse weli waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dhawr sugayaan dowladda, oo weli xog rasmi ah ka bixin Canshuurta habka loo qaadi doona iyo goorta la billaabi doona.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed