Safiirka Soomaliya oo Masar oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay gudaha Safaarada

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay xarunta Safaaradda ee Qaahira.
Safiirka ayaa soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee Safaaradda waxaana warbixin guud laga siiyay hawlaha ay Safaaradu u qabato Jaaliyadda isago Safaarada gudaheeda kula kulmay qaar ka mid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo adeegayey.
Intaa kadib Danjiraha ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay waxa uuna Diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada Safaaradda ku bogaadiyay kuna amaanay howsha baaxada leh ay Jaaliyadda u hayaan isago kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan shaqada qaran ee loo igmaday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed