Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaasi

Safiirka dowladda DFS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faa’iideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri danjire Jibriil.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed