Safiirka dowladda DFS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faaโiideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
โAad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolkaโ ayuu yiri danjire Jibriil.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.