Safarada Soomaliya ee Kenya oo laga daah-furay buuga tacsida ee Prof Jawaari

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa soo bandhigtay xogta la xiriirta Danjireyaal u tagay in ay saxiixaan Buugga Tacsida ah ee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka AUN Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Diblumaasiyiin kala metalaya Dalal kala duwan oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ayaa dhismaha Safaaradda Soomaalida u tagay in ay saxiixaan Buugga Tacsida iyaga oo kaddib kulan gaar ah la qaatay DanjirE Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in arrintaan ay ka tarjumeyso xiriirka wanaagsan ee Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Dalalka Safiiradooda ugu tageen Tacsida sida halka loo dhigay.

“Diblomaasiyiinta saxiixay buugga tacsida ayaa ka mid ahaa saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ay muujiyeen taageeradooda iyo tacsiyadooda iyagoo u tacsiyaynaya qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd mid lagu muujinayo xiriirka adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xafladdu ay ka tarjumaysay xiriir dhow oo labada dal dhex mara” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed