Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo shalay isu diiwaangeliyay kursiga HOP248 kuna guulaystay 27kii Janaayo sanadkii 2022 ayaa saakay markale doorasho u galaya isaga oo la tartamaya musharraxa shahaadada la qaatay ee lagu magacaabo Shaafici Axmed Cali (Cakoore).
HOP248Â waxaa habeen hore iska casilay Maxamed Cabdi Xasan (Afwayne) sababo u gaar ah, waxa ay tani fursad u noqotay Saadaq Cumar Xasan oo aan haynin xilkii Agaasime ku xigeenka NISA una waayay kursigaan.
Saddex arrimood oo la xiriira Kursiga HOP248:
1-Xildhibaan hore Maxamed Cabdi Xasan Afwayne waxa uu noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iska casilay Xilkiisa.
2-Kursigii ugu horreeyay ee muddo kooban lagu buuxiyo marka la eego kuraasta kale ee ka bannaan Baarlamaanka ama firaaqa ku dhacay oo muddo ku qaadatay in uu Guddiga Doorashooyinka soo buuxiyo.
3-Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon oo haddii uu guulaysto ka dhigaysa in uu noqdo Xildhibaankii ugu horreeyay ee Baarlamaanka 11aad labo jeer kursi loo doorto.

