RW Xamse ” Soomaaliya waxaa ka jirta xasillooni siyaasadeed iyo amni”

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya maanta tahay meel xasilloonideeda amni iyo siyaasadeedba la’isku halayn karo, dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis wanaagsana uu ka socdo.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in Soomaaliya qoreyso bog cusub oo taariikheed, dibna uso ceshatay magicii iyo mansabkii ay dunida ku lahaan jirtay, islamarkaana diyaar u tahay in ay kaalin weyn ka geysato degenaanshaha guud ee Afrika iyo dunidaba.

Wuxuuu sheegay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade arrimaha adduunka, balse ay tahay in ay qeyb ka noqoto dajinta qorsheyaasha mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xasme ayaa hadalkan ka jeediyay xiritaankii isu-imaatinka Madasha MEdays ee dalka Morooko oo socday muddo 4 cisho.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed