RW Xamse oo xilka qaadis ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xilalkii ka qaaday wasiiru dowlayaaashii Batroolka & Macdanta iyo Beeraha & Waraabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilka qaadista mas’uuliyiintan u cuskaday qodobada 120-aad & kan 117-aad ee dastuurka Soomaaliya iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed”.

Labadan wasiiru dowle oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland waxay taageersanaayeen mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysanyihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed