RW Xamse oo tagay Magaalada Kismaayo

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madxaweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland iyo qeybaha kala duwan reer Kismaayo.

Ujeedka safarka raysal wasaare Xamse ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay iney la xariirto dhiiragalinta ciidamada dowladda ee dhawaan guulaha ka gaaray weeraro kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanada Buulo Xaaji yo  Harboole oo ka tirsan Jubbada hoose.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Jubbaland booqasho uu ku dhiirigelinayo guusha taariikhiga ah ee Ciidanka Qaranka ee qalabka sida ay ka soo hoyeen dagaalladii ay dhowaan kula galeen kooxaha Khawaarijta ah deegaannada Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu booqasho ku tagi doono deegaanadii dhawaan laga xureeyay kooxda Al-shabaab ee u dhaxeeya magaaloyinka Kismaayo iyo Afmadoow, halkaas oo uu kulamo lagu dhiragalinayo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab  kula qaadan doono saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka iyo Kuwa Daraawiishta maamul goboleedka Jubbaland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed