Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay Dagaal beeleedyada & Dilalka aanooyinka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in nafta la dhaafo dad aan waxba galabsan oo qaarkood kamid ah ciidanka Amniga Dalka ka shaqeynaya.
Xamsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii dhowaan Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle loogu geystay ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dalka, arrintaas oo falcelin dhalisay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa natiijada ay kasoo saarto baarista ay ku billowday dilkii loo geystay lex askari oo kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka, waxaa xiran Dad lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen Kiiskaas.