RW Xamse oo saxiixay buuga tacsida ee Marxuum Prof. Jawaari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Qoyska ayaa yiri, “Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaaliya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoyska marxuumka la wadaagay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay si siman u dareemeen geerida marxuumka, taas oo muujinaysa kaalintii uu ugu fadhiyey intii uu noolaa Prof. Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maalnimadii Jimcaha ku geeriyooday magaalada Muqdisho, iyada oo aaskii ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sarrreysa dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed