RW Xamse oo magacaabis cusub sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Wasiirro cusub, isaga oo xilka ka qaaday Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale oo warbaahinta la wadaagay wareegtada uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamsa ku sheegay in Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Xilka loo magacaabay Wasiir Maareeye ayaa horay waxaa u ahayey Axmed Madoobe Nuunow oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed