RW Xamse oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo booqashada ku joogay magaalada Caasimadda ee Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Ciraaq, Muxsin Al-Mandalawi.

Kulanka ayaa ahaa mid guud oo ay ugu wada hadleen xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab.

Ugu dambeynt Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dalka Ciraaq ku sugan, isaga oo halkaas uu gaaray todobaadkii hore, ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaas Shiyaac Al-Suudaani.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed