RW Xamse oo la kulmay Danjiraha Qatar u dadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u dadhiya Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi. Iyada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.
Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed