RW Xamse oo la kulmay Danjiraha Dowladda Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka.

Inta uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka.

Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed