RW Xamse oo kulan gaar ah la yeeshay wafdi sare oo ka socday dowladda Sucuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya,  Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada, dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqada uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda.

sidoo kale, waxa uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi.

Kulankaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa imaanaya xilli wafdi ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqasho  ku yimaadeen Muqdisho.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed