Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in marxuumka, oo ka mid ahaa xubnaha Aqalka Sare, uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah, hoggaamiye dhaqanka ku dheehan, nabaddoon, iyo shaqsi si joogto ah uga shaqeynayay horumarinta iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed. Waxuu tilmaamay in marxuumka uu qayb weyn ka qaatay dedaallada nabadda, wadajirka, iyo dhismaha qaranka Soomaaliyeed, isagoo u adeegay danta guud ee ummadda Soomaaliyeed xilliyo kala duwan oo aad u adag.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Senator Gaagaab uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ku suntanaa samaha iyo raadinta wanaagga, isla markaana uu dhaxal weyn ka tegey bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Aqalka Sare.
Ugu dambeyntii, Raโiisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in Marxuumka Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo dhammaan dadka uu la jiray uu samir iyo iimaan ka siiyo, sidoo kalena uu ka dhigo mid ka mid ah dadka ugu sharfan ee Ilaahay xushmeeyo.