RW Xamse oo ka qeyb-galaya shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Kuuriyada Koofureed, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4-5 Juun.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farhan Jimcaale oo warbaahinta uga warramay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriya iyo Afrika ayaa sheegay in shirkaan diiradda lagu saaraya sidii loo xoojin lagaa xiriirka u dhaxeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirka inta uu socda waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madax ka socota midowga Afrika iyo Bangiga horumarinta Afrika, kuwaas oo ka wada arinsanaya sidii iskaashi uga wada yeelan lahaayeen dhinacayda dhaqaalaha, harumarinta kaabayaasha iyo gacansiga.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farhan Jimcaale ayaa sheegay inta uu socda shirka ay madaxda labada dhinac ka wada hadli doonaan dhibaatooyinka xilligaan dunida ay wajahayso, sida isbadalka Cimillada, cunno yarida iyo dhibaatooyinka ka taagan dhanka Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa shirka in uu ka jeediyo khudbad madasha shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo harmaraka ay ku tallaabsatay dowladda, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale.

Madaxda Afrika ayaa lagu casuumay dalalka Mareykanka, Ruushka, Japan, Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Shiinaha kuwaas oo ka qeyb galaya shir u dhaxeeya qaaradda iyo dalalka, bulshada ku dhaqan Qaaradda ayaa waydiimo badan is hordhigay oo ku saabsan shirarkaan oo u dhaxeeya dal iyo Qaarad, taas oo hadal heyn badan ka dhex dhalisay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed