Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hoggaannada kala duwan, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay yihiin hooyada dhammaan ciidanka qalabka sida ee dalkeennu leeyahay, sidaas awgeedna ay muhiimad gaara ah u leeyihiin Qaranka.
Mudane Xamsa ayaa intaasi ku daray in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay har iyo habeen uga feejigan yihiin dhagarta Khawaariijtu la damacsan shacabka Soonaaliyeed.