Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa waxa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta.