RW Xamse oo gudoomiyay shirka golaha wasiirada Koonfur-galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sido kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab.

 

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed