RW Xamse oo daah-furay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad, ee sannad-dugsiyeedka 2024/25.

In ka badan 39 kun oo arday ayaa u fariisanaysa imtixaanka oo lagu galayo 48 magaalo oo ku yaalla dalka iyo gobolka Banaadir.

Ku dhawaad 3 kun oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, macalimiinta qaranka iyo 2,000 oo ciidanka Booliska Soomaaliyeed ah ayaa ka qayb qaadanaya habsami u socodka imtixaanka.

Imtixaanka ayaa lagu galayaa 140 goobood, kuwaas oo 64 ka mid ah ay ku yaallaan gobolka Banaadir.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Nuuro Mukhtaar, ayaa sheegtay in markii ugu horreysay sanadkan la qaaday imtixaanka dugsiga sare ee beeraha.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed