Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in ay taageero ka kooban adeegyada muhiimka ah la gaarsiin doono Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ee howlgallada ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed lagu daabacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in ciidamada guulo ay gaareen dagaallada ka dhacay labada gobol, welina ay sii wadaan howlgallada.
“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.
Xubno ka tirsan AS ayaa weerar ku qaaday deegaanka Beerayabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan, sidoo kale dagaallo ayaa ka dhacay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe.