RW Xamse oo bogaadiyay ciidamada daraawiishta Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay howlgallo ciidamada Dowladda oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay ku qabsadeen Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubada Hoose.

Xamsa ayaa ciidamadaan ku bogaadiyay howlgalkaan qorsheysan oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Buulo Xaaji oo dhanka Koofureed uga began Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaar ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Deegaankaan maanta ay qabsadeen ciidankaan iskaashanaya ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ayaa 80 Kiilo-mitir u jira Magaalada Kismaayo oo ah Magaalo-madaxda Gobolka Jubada Hoose.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaannada dhaca Koofurta Magaalada Kismaayo waxaa ka socda howlgallo xooggan oo ay wadaan ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed