Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay masโuuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bil ka socda Magaalada Muqdisho.
Xubnaha hormuudka u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ayaa Raโiisul Wasaare Xamsa uga warbixiyay heerarka kala duwanaa ee uu soo martay diyaarinta qorshuhu iyo halka ay hadda soo gaartay, iyagoo la wadaagay xogta hordhaca ah ee ka soo baxday ee diyaarinta qorshaha.
Sidoo kale, Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howlwadeennada gacanta ku haya diyaarinta qorshaha uga mahad celiyay shaqada ay soo qabteen, isaga oo ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hayโadaha kala duwan ee Dowladda.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa shaqadiisa soo billaabay laba bilood ka hor, isaga oo hadda maraayo heer gabagabo ah, iyada oo la rajeynaayo in uu noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hayโadaha kala duwan ee Dowladda.