Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo Agaasimayaal ah.
Ra’’iisul Wasaaraha ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Shaqsiyaaadka loo kala magaabay ayaa kala ah:- Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Sidoo kale, Maxamed Bashiir Cumar, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, halka Cabdullaahi Jamaal Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.