RW Xamse” Itoobiya waxaan leeyahay hadii aad na deyn weydaan ….”

R’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay ineysan marnaba dhici doonin in taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed ay qaadato Itoobiya.

“Dhulka Soomaaliyeed hees iyo hanjabaad laguma qaadan karo, ciddii soo haweysatana waxaa ka soo horreeya dhiig iyo xinjirro lagu difaacayo dhulka” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iney ka leexato dhulka Soomaaliyeed, islamarkaana hadii ay ka leexan weydo la tusi doono waxay ku leexato.

”Itoobiya taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ma imaan karto haddii ay imaatana iyadoo Meyd xambaarsan ayay ka baxaysaa” ayuu yiri Raysql wasaare Xamse Cabdi Barre.

Halkan ka daawo khudbada Ra’iisul wasaare Xamse 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed