RW Xamse “Horumarka Soomaaliya waxa saldhig u ah cilmi-baaris iyo qorshe qaran oo cad”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad xooggan oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku dhuftay in qaran-dhisku uu yahay geeddi-socod u baahan xoojinta hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dejinta qorshayaal fog oo ku saleysan cilmi iyo xog sugan.

“Dalku wuxuu hadda ku socda dariiqii horumarka iyadoo laga duulayo cilmi-baarisyo iyo qorshayaal cad,” ayuu yiri, isagoo xusay in qorshayaasha sida Qorshaha Isbeddelka Qaranka, Hiigsiga 2060, iyo NTP-2025-2029, ay saldhig u yihiin horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Xamsa wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay doorka ay leeyihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay xoogga saaraan cilmi-baarista la xiriirta arrimaha nolosha bulshada sida: Yareynta saboolnimada, Wax ka qabashada isbeddelka cimilada, Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, Xoojinta nabadda iyo xasilloonida.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay la timid aragti qaran oo sal adag ku leh cilmi-baaris. Sidaas darteed, aqoonyahanka iyo haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan sahanka halka uu dalka u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in dowladdu ay diyaar u tahay hogaaminta horumar waara oo lagu dhisayo istaraatiijiyad cad, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah iyo awoodda shacabka, gaar ahaan dhallinyarada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed